DHAGEYSO:-Maamulka dowlada ee Maxaas oo dalbaday in dhinacyo badan laga taageero iyo dowlada oo sheegtay in laga jawaabi doono baahidooda

0

Gudoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in degmada aaney laheyn adeegyadii ay u baahneyd ee bulshada aas aasiga u ahaa.

Gudoomiyuhu waxa uu tilmaamay in degmada aanu kajirin goob caafimaad oo laisku haleyn karo iyo waliba waxbarasho la.aan saameysay dadka halkaasi kunool sida uu yiri.

Wasiir arimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre oo kahadlay xaalada Maxaas ayaa sheegay in ay kajawaabin doonaan baahida halkaasi kajirta isagoo xusay in qiimeyn lagu sameyn doono baahida baahida jirta halka ay gaarsiisan tahay.

Degmada Maxaas ee gobolka hiiraan waxaa shalay gaaray wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira oo uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada iyo federaalka C/laahi Goodax Barre si wax looga qabto baahiyaha kajira goblka.