Madaxda Dowlada oo wado qorshe ay ku sii jeedinayaan Xildhibaanada & Odayaasha Beelaha Hawiye (Warbixin)

0

Madaxda Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku mashquuliyaan Xildhibaanada iyo Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye. Xilli ay sheegeen in Beelaha Hawiye ay 80% deggaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxda Dowladda, ayaa waxay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay Maamulo ugu soo sameeyaan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, si Beelaha Hawiye kaga mashquulaan Maamulka Kmg ah ee loo dhisaayo Gobolada Bakool, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Sida qorshuhu yahay dhismaha Maamulada loo sameynaayo Gobolada Dhexe, ayaa waxaa lagu soo beegayaa, xilli lagu wado in Maamulka Kmg ah loo dhiso Maamulka Koonfur Galbeed.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan (Guutaale), ayaa wada abaabulka Dowladda ee ku aaddan, sidii laba Maamul ugu soo dhisi laheyd Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Kamaal Guutaale, ayaa maalmihii ugu dambeysay si weyn loogu arkaayay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoona uu Madaxda Dowladdu kaga waramaayo hadba halka ay mareyso qaban qaabada.

Hase ahaatee Madaxdu waxay la socotaa in Xildhibaanada iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye, ay ka soo horjeedaan in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu daro Baay iyo Bakool. Iyagoo ku doodaaya in Gobolka Shabeellaha Hoose uu ka tirsanaa Ex Banaadir.

Sidoo kale Xildhibaanada iyo Odayaasha Hawiye, ayaa waxay ku doodayaan in Gobolka Shabeellaha Hoose aanu ka maarmi karin Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla-markaana uu ka jiro Maamulka Shabelle State, oo ku yimid bay yiraahdeen rabitaanka dadka Deegaanka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, oo kulan la qaatay Wasiirada Beelaha Hawiye, ayaa waxay u sheegeen in Gobolka Shabeellaha Hoose uu kaga mahiimsan yahay afarta Gobol ee kale.

Waxaa kaloo jira cadaadis ka imaanaaya bulshada Gobolka Hiiraan, oo ku adkeysanaaya in Gobolka Hiiraan uu yahay midka ugu weyn Gobolada Soomaaliya, isla-markaana uu kiligii u dhigmo laba Gobol. Waxayna soo jeediyeen in kiligii loo sameeyo Maamul Goboleed u madax banaan.

Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan oo qaarkood ka hadlay Maamulka ay Dowladdu qorsheyneyso inay u sameyso Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxay sheegeen inaanay suurta gal ahayn. Waxayna ka dhawaajiyeen in Gobolka Hiiraan uu ka dhigan yahay laba Gobol, ayna doonayaan in loo sameeyo Maamul Goboleed uu ku gaar yahay. Isla-markaana Shabeellaha Dhexe la raaciyo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale waxaad arkeysaa in Madaxda Dowladdu uu waqti badan kaga lumaayo hirgelinta Nidaamka Federalism-ka, iyadoo markaasi Maamulo loo sameynaayo Gobolada dalka, si leesku raaciyo hadba Gobolada is raaci kara. Dastuurkuna wuxuu dhigayaa in laba Gobol iyo wixii ka badan ay Maamul Goboleed noqon karayaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf, oo mar ka hadlay Nidaamka Federalism-ka, ayaa waxa uu ku macneeyay wax qoorta loo geliyay dadka Soomaaliyeed. Isla-markaana aanu dalka Soomaaliya noqon karin wadan Federal ah, sida uu yiri.

Ilka Xanaf, ayaa waxa uu bidhaamiyay in Nidaamka Federalism-ka loogu talla galay in lagu dhaqo dad kala diin, kala midab, kala luqad iwm. Laakiin Soomaalidu aynaan jirin meel ay ku kala duwan tahay, isla-markaana aysan qaadan karin Nidaamka Federalism-ka.