Madaxweynaha oo saxiixay magacaabista xeer ilaaliyaha guud ee qaranka

0

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa maanta wuxuu saxiixay magacaabista Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, kadib markii Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka dhawaan xilkaasi laga qaaday.

24-ka Bishan ayaa laga qaaday xilka Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka, kadib markii Wasiirka Arimaha Dastuurka iyo Cadaalada Faarax Sheekh C/qaadir uu Golaha Wasiirada hor dhigay in isbedel lagu sameeyo Hay’adaha Garsoorka dalka.

Golaha Wasiirada ayaa waxa ay cod aqlabiyad ah xilkii uga qaadeen Xeer ilaaliyii hore, isla markana wuxuu u magacaabay mudane Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo khibrad u leh sharciga iyo arrimaha Cadaaladda.

Digreeto qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay magacaabista Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo xil kaqaadista Xeer ilaaliyihii hore.

Digreetada Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxday ayaa lagu sheegay inay dhaqangalayso marka uu Madaxweynaha saxiixo, kadibna lagu faafiyo faafinta rasmiga ah ee Dowladda.

Hay’adaha garsoorka dalka ayaa marar badan lagu eedeeyey musuq maasuq iyo cadaalad daro, iyadooWasiir Faarax Sheekh C/qaadir uu doonayo in uu isbedel ku sameeyo Hay’adaha Garsoorka.