Madaxweynaha soomaaliya oo gaaray degmada garbahaareey ee g. Gedo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu gaaray Degmada Garbahaareey ee Gobalka Gedo, halkaasi oo si weyn ammaankeeda loo adkeeyay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dagay Garoonka Macmalka ee Degmada Garbahaareey, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo shacab badan ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay gudaha Magaalada Garbahaareey, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo la qaato maamulka Degmada iyo Saraakiisha ciidanka.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa Salaan Sharaf uu ka qaatay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa markii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo.