SAWIRO: Madaxweyne Xasan Oo Safarkiisii Garbahaareey Ku Soo Xiray Booqasho Uu Ku Tagay Qabrigii AUN Gen. Maxamed Siyaad Barre Dibna Ugu Laabtay Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta goor dambe dib ugu laabta magaalada Muqdisho kaddibmarkii uu soo gabagabeeyay socdaal qarsoodi ahaa oo uu ku tagay magaalada madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo la qaatay maamulka degmada Garbahaareey, saraakiil ciidan iyo odayaal. Isagoo kala hadlay sida ay dawladiisu ugu baahantahay kalsoonida shacabka Gedo si loola dagaalamo Alshabaab.

Garbahaareey waxaa ay fariisin u tahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybtooda ugu baaxada weyn ee koonfur galbeed Soomaaliya. Waana magaalada kaliyah oo aysan joogin ciidamo shisheeye islamar ahaantaasna nabdoon oo ay dadkeedu maamulanayaan.

Madaxweyne Xasan waxaa loo gudbiyey cabasho la xiriirta waxqabad la’aanta dawladiisa. Isagoo u xaqiijiyey masuuliyiintii goobta joogtay in ay dawladiisu si gaar ah u eegi doonto inay dhamaystirto xuquuqda ay ku leeyihiin shacabka Gedo.

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisii ku soo afmeeray booqasho taariikhi ah oo uu ku tagay Qabriga uu ku aasan yahay Allaha U Naxariistee madaxweynihii umada Soomaaliyeed Gen Maxamed Siyaad Barre. Wuxuuna Madaxweynaha uu ku sugnaa qabriga in muddo ah isagoo hakaasi ugu Soo duceeyay.

m1 m2 m3 m4 m5 m6 m7 m8 m9 m10 m11 m12 m13 m14 m15 m16 m17 m18

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com