Mareykanka Oo Ka Tacsiyeeyay Dilka Saado Cali

0

Washington (AGGM) Sida lagu sheegay qoraal ay dowladda Maraykanka ka soo saartay dilka xildhibaanad fanaanad Saado Cali Warsame waxaa dawlada cambaaraynaysaa dilkii loo geeystey Xildhibaanada.

Mareykanka ayaa waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladeedii xildhibaanada. Wuxuu sheegay in dilkani uu muujinayo dhibaatada ay al-Shabaab ku hayso ummada Soomaaliyeed oo dha, iyo xurmo darada ay u haayaan  nabada, caddaalada iyo naxariista ay dhamaan Soomaalidu  meel walba ay joogaan ay xusayaan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Saado waxay ahayd fanaanad iyo abwaanad caan ah iyo weliba xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale Saado waxay tusaale fiican u ahayd hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dilkani waa mid aad u saamaynaya dhamaan Soomaalida ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadaba.

Dowladda Maraykanku waxay marwalba garab taagantahay dadka Soomaaliyeed, Ciidamada Qaranka Soomaaliya, iyo Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Waxaana si dhow ula shaqayn doonaa hogaamiyeyaasha siyaasada iyo amniga Soomaaliyeed si loo sii wado la dagaalanka al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com