Marwada Ra’isul Wasaaraha Oo Deeq Gaarsiisay Dad Naafo Ah

0

Muqdisho (AGGM) Marwo Fartuun Axmed Diiriye oo ah marwada Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed Maxamed ayaa deeq cuntooyin ah gaarsiisay indhoolayaasha dugsiga Al-Bashiir  iyo naafada xoogga dalka ee jira Cisbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho

Dugsigan ayaa waxaa ku xareysan carruurtaas wax lagu barro oo naafo ah waxaana deeqdaas ay Marwo Fartuun u wakiilatay  guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale.

Deeqda waxaa sidoo kale loo qeybiyey ciidamada ku naafoobay difaaca dalka ee ku nool Cisbitaal Martiini.

Cabdi Mahad  oo ah afhayeenka ciidanka naafada xoogga dalka ayaa mahad gaar ahaaneed u diray  marwada Ra’iisul Wasaaraha oo uu sheegay inay deeqdaas soo gaarsiisay xilligii loo baahnaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com