Maxaa Horyaalla Socdaalka Madaxweynaha ee  Gedo?

0

Garbahaarey(AGGM) Inkastoo  ujeedada socdaalka madaxweynaha ee Garbahaarey lagu soo gaabiyey u kuur-gelida xaalada halkaas ka jira ayaa waxaa dad badan oo Reer Gedo ah ay iswaydiinayaan wax Xasan uu socdaalkiisa gobolka ku soo kordhin doono.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka hadlo Alshabaab iyo xaaladaha bini’aadanimo oo ka jirta Gobolka Gedo iyo gobolada kale ee dariska la ah oo ay abaaro ba’an ku dhufteen.

Socdaalka madaxweyne Xasan ayaa imaanaya xili shalay uu gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ka digay in xaalad adag oo xagga nolosha ah ay ka soo fool leedahay gobolkaas haddii aan kaalmo la gaarsiisin umada ay abaaruhu ku dhufteen.

Waxgaradka reer Gedo ayaa dawlada madaxweyne Xasan Sheekh ay muddooyinkaan ku  eedeynayeen in ay ka gaabisay in gobolkaas ay gaarsiiso adeegyada dawlada, sida isbitaalada, waxbarashada iyo deeqaha kale oo ay dawladu hesho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com