Midawga Yurup Oo Raaskambooni Ku Qasbay Inay Si Deg Deg Ah U Qabato Dib U Heshiisiintii Lagu Balansanaa

0

Muqdisho (AGGM) Horjoogaha labaad ee Raaskambooni Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka hadlay arrin lagu mashquuliyo beesha caalamka oo ku aadan in ay qabanayaan shirkii dib u heshiisiinta ee lagu balansanaa in lagu qabto magaalada Kismaayo.

Kaddib safar ay magaalada Kismaayo ku tageen xubno ka socday reer Yurup ayaa waxaa durbadiiba afka furtay horjooge Fartaag oo sheegay inay qabanayaan waxa uu ugu yeeray shir ay isugu keenayaan beelaha walaalaha ee dega Jubbooyinka.

Hadalka horjooge Fartaag oo dabacsanaan ay ka muuqato ayaa waxaa uu ku sheegay in bisha September 21keeda ay magaalada Kismaayo ku qabanayaan waxa uu isagu u yaqaano dib u heshiisiin.

Shirka dib u heshiisiinta ayaa laf dhuun gashay ku noqday kooxda yare e Raaskambooni maadaama aysan kalbanin kalsoonida umada, oo ay ku xukumaan taangi iyo qori caaradiis.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa faraha ka baxay, waxaana maalin walba magaalada weeraro ku ekeeya Alshabaab, iyadoo malesshiyada Raaskamboonina isaga goosta ciidamada kaddibmarkii ay u gagsan waayeen weerarada Alshabaab.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com