MIdowga Afrika oo ku baaqay in cadaalada la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilka xildhibaan Saado Cali Warsame

0

War qoraal ah oo ka soo baxay ururka midowga Afrika ayaa waxaa lagu canbaareeyay dilkii loo geestay xildhibaan saado cali warsame oo ka tirsaneed baarlamaanka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahanyahay in cadaalada la horkeeno shaqsiyaadka ka danbeeya dilkaasi.

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa sheegay inay ka xunyihiin dilalka iyo beegsiga xubnaha ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka xildhibaan saado waxaana sidoo kale Al-Shabaab ay horay u sheegtay dilal loo geestay xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka.