Muddo Kordhin Loo Sameeyay Howlgalka Madaniga ah Ee Midawga Yurup Ee Ilaaliya Badaha Geeska Afrika

0

Jabuuti (AGGM) Howlgalka madaniga ah ee qeybka ah ilaalada reer Yurup ee baddaha geeska Afrika ayaa waqti kordhin loo sameeyay, taasoo macnaheedu uu noqonayo inay xeebaha Soomaaliya sii joogi karaan tan iyo bisha 12aad ee sanada 2016ka.

Howlgalkaan magaciisa loo soo gaabiyo (EUCAP Nestor) ayaa wuxuu qeyb ka yahay howlgal baaxada weyn ee ay midawga Yurup kooxaha burcad badeeda ah kaga ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya.

EUCAP Nestor ayaa waxay la shaqeysaa wadamada geeska Afrika oo ay saamaynta ku leedahay burcad-baddeeda si ay iyagu isaga ilaaliyaan qatarta kooxaha burcada ay ku yeelan karaan biyahooda. Waxaana wadamada ay ka shaqeeyaan kamid ah Soomaaliya, Djibouti, Seychelles iyo Tanzaniya.

Howlgalkaan ayaa waxaa xaruntooda ugu ay ku taalla wadanka Djibouti  waxaana la qiyaasayaa inay ku baxday  11.9 million oo Euro mudada u dhaxeysay November 2013 ilaa October 2014tii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com