Muungaab Oo Ka Badbaaday Qarax

0

Muqdisho(AGGM) Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta ka badbaaday qaraxan miinada dhulka lagu aaso ahaa oo lagu weeraray gaadiid uu la socday.

Cali Maxamuud Faarax  oo ah afhayeen u hadlay Muungaab  ayaa sheegay inaanay jirin waxyeelo soo gaartay guddoomiyaha iyo dadkii kale ee la socday

Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhaw hotel Lafweyn eek u yaalla degmada Yaaqshiid. Warar ayaa sheegaya in qaraxa uu si xun u dhaawacay afka hore ee gaadiidkii uu saarnaa Muungaab.

Gaari nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi bile ayaa lagu qaaday Muungaab kaddibmarkii sida la sheegay gaarigiisii ay waxyeelo daran soo gaartay. Waxaana loo galbiyey dhismaha maamulka gobolka banadir.

Weerarkaas ayaa ku soo beegmaya xili Muungaab uu nafsad ahaantiisa sheegay in amaanka Muqdisho ay adkeynayaan si shacabka magaaladaas ay ugu ciidaan nabadgelyo. Balse nasiib daro isagii ayayba qabsatay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com