Odayaasha Jubbooyinka” Dagaalka Caabudwaaq Ma Ahan Mid Cuntamaya, Reer Caabudwaaq Waxay Ahaayeen Hormuudka Nabada”

0

Jubada Hoose (AGGM)  Qaar kamid ah salaadiinta iyo waxgaraka  gobolada Jubbooyinka ayaa canbaareeyay colaadii labada Beelood ee walaalaha ah ku dhexmaraya Magaalada Cabdudwaaq Ee Gobolka Galgauud.

Shir ka dhacay hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo waxaa waxgaradkaasi ay ka sheegeen in dagaalkaas uu ku noqday  arin la yaab leh, waxayna sheegeen colaad xiligaan ah ay tahay mid aan shacabka Soomaaliyeed  u cuntamaynin.

Baaq ay u direen labada dhinac ayay ugu baaqeen in ay si dhaqso ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan Dagaalada, islamarkaana ay wixi kala tabanayaan wada hadal iyo walaalnimo ay ku xaliyaan.

Odayaasha Jubbooyinka ayaa yiri ” Dagaalka Caabudwaaq Ma Ahan Cuntamaysa, Reer Caabudwaaq Waxay Ahaayeen Hormuudka Nabada”

Labada Beelood ayaa colaadoodu waxay salka ku haysaa dilal ka dhashay aar goosi , kuwaas oo dad shan qof ka badan ay ku Nafwayeen.

Ugu dambeyntii waxgaradka Jubbooyinka ayaa ka codsaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato colaadahaas, ayna laba beelood ee walaalaha soo kala dhexgasho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com