Qiso Cajiib Ah: Wiil 17 Sano Jir Ah Oo Afkiisa Laga Soo Saaray 232 ilkood

0

Mumbia (AGGM) Dhakhaatiirta isbitaalka Mumbia ee JJ ee dalka Hindiya ayaa fuliyey qalniin isu badelay mucjiso kaddibmarkii ay afka wiil 17 sano jir ah ka soo saareen 232 ilkood.

Wiilkan oo ka soo jeeda qoys sabool ayaa muddo ilaa 18 bilood ah la xanuunsanayay barar iyo xanuun uu ka dareemayay ciridka hoose ee afkiisa. Taasoo ku qasabtay waalidiintiis inay ula soo safraan isbitaalo ku yaalla Mumbia balse waxba ka qaban waayay.

Dhaqaatiirta isbitaalka JJ ayaa wiilkaan xaaladiisa baaritaan dheer ku sameeyay waxayna ugu dambeyn qalniin ay ku sameeyeen ay kula kulmeen wax aysan filaynin.

Isbitaalka JJ ee Mumbai ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid aana horey loogu arag adduunka sidaas darteedna ay u direen iskihii laga soo saareen ururka qaabilsan keydinta waxyaabaha aana horey adduunka looga arag ee Genes Book Of Records.

Wiilka ayaa waxaa wali afkiisa ku haray 27 ilko kale oo dheeraad ah balse waxaa la rajeynayaa inuu caafimaadkiisa si wanaagsan ku soo laabto.

Halkaan ka daawo Videoga

https://www.youtube.com/watch?v=0bnZbHD7mDY

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com