Qodobada Wafdiga Midowga Yurub Ay La Soo Qaadeen Kooxda Raskambooni

0

Kismaayo (AGGM)  Wafdi ka socda midowga Yurub oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa kulamo la leh kooxda Raaskambooni iyo qeybaha bulshada magaalada.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay AGGM in xubnaha wafdiga ay qodobo muhiim ah u gudbiyeen kooxda Raskambooni, kuwaasoo ay ugu horeeyaan arrimaha xuquuqul insaanka oo kooxda Raaskambooni ay meel uga dhacdo, iyadoo xasuuq iyo sal kicin ku haysa beelaha dega magaalada Kismaayo.

Waftiga ayaa sidoo kale u kuurgalaya arrimaha amaanka, abaaraha iyo dib u heshiisiinta. Waxaana ay si iskood u soo uruursan doonaan macluumaad la xiriira xaalada magaalada Kismaayo maadaama ay haystaan warbixino si hoose loogu gudbiyey oo ku aadan xaalada dhabta ah ee Kismaayo iyo dhibaatooyinka ay bulshada degan kula kacaan maleeshiyada dhul-boobka ah ee Raaskambooni.

Qaramada Midoobay iyo Midawga Reer Yurup ayaa si gaabis ah uga cagajiidaya inay aqoonsadaan kooxda argagixisada xiriirka leh ee Raaskambooni, tannoo caqabad ku noqonatay kooxdaaso. Waxyaabaha ay uga cagajiidayaan inay si toos ah taageero u siiyaan kooxda Raskambooni ayaa waxaa kamid ah kooxdaas oo ka cagajiidaysa dib u heshiisiinta iyo xubno argagixiso ah oo ku jira.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com