Qormo: Ceeb Sheegis Maleh, Xumaana Ka Aamus Ma Leh, Yaa Dega Gobollada Dhexe, Yaase U Saxiixaya?

0

Haddaad hore ula yaabanayd heshiiskii seddexda gobol loo saxiixay ayagoo kala maqan waxaa maanta xamar kadhacay mid kii hore kasii xun oo loogu gogol xaarayo colaad cusub oo ka dhalata gobolada dhexe.

Waxaa la saxiixay heshiis ay kasoo qeyb galeen madaxa ugu sareeya dowlad goboleedka galmudug cabdi cawaale qeybdiid iyo qaar kamid ah madaxda kala duwan ee ahlusunna waljamaaca ayadoo dowladduna ay goobjoog katahay wixii meesha ka dhacay.

Heshiiskaan wuxuu lamid yahay waqtigii saxiixayaasha ee ay ahlusuna iyo galmudug matelayeen gobolada dhexe ee laga sixiixay roadmapka federaalka ayagoo aan lasoo tashan dadka kale ee gobolka degan.

Runtii shisheeyaha maanta sixiixay heshiiska gobolada dhexe iyo soomaalida saxiixday way isla ekaayeen ayadoo aan ognahay inaysan gobolada dhexe degin dad aan soomaali ahayn.

Qormo aan xalay qoray bay kujirtay inaysan kuu suuro geleynin inaad shisheeye nacab ah keensato intuu walaalkaa oo diidan nool yahay.

Nicholas Kay oo qeyb ka ah saxiixayaasha maamulka loo dhisayo gobollada dhexe ee Somalia

Nickolas kay , AU, iyo EU ayaa maanta metelayey qabaailka dega dega gobolada dhexe ee diiday inay madasha shisheeyehe maamulaayo yimaadaan oo ay wax kukala saxiixdaan. hase yeeshee dowladda federaalka ayaa ogolaatay in laga tillaabsado ciddii diida qorshaha Nick kay oo aan loo joojin.

Waxaa muuqata in laleeyahay ciddii aan imaan waa kuqasban tahay inay qaadato heshiiskaan ujeeddo badanka ah. laakiin waxaa taas ka fiicnayd in marka hore dadka wada dhashay ee goboladaas degan ay ayagu soo wada hadlaan oo dantooda katashadaan. haddii ay isla keeni waayaana waqti lasiiyo ay xal ku gaaraan, laakiin marna meesha maqato in lagu xisaabtamo 2016 iyo waqtiga is gurayo.

Sikastaba ha,ahaatee ujeedka qaramada midoobay ayaa ah inay helaan dad tooda fuliya oo loo isticmaalo doorashada ay sheegeen inay qabanayaan sanadka 2016 oo hadda soo dhowaaday.

Waxaase ii muuqata in lagu tumanayo oo lasii kala colaadinayo dadkii wada dhashay ee wada deganaa. sababtoo ah ninka hadda ballanqaaday inuu fulinaayo waxaan lasaxiixay maslaxo walaaltinimo kuma mashquulsana waana ogyahay inuu walaalihii u garbo xirayo shisheeye daneyste ah.

Bal aan sugno sida dadkaan caddaanka iyo madowga leh ay uhirgeliyaan cadaawadda ay maanta saxiixeen ayagoo iska indhatirayo wanaagga ay leedahay nabadda.

Kolleey heshiiskani waxaa loo fasiran karaa mid suuq loogu raadinaayo hubka iyo xabadaha ay warshadaha reer yurub sameeyaan ayadoo loo hilay dillaalinn aan danta shacabka ka fekereyn oo yar yar iyo waaweynba leh.

Qore – Xagaleey

NB: AGGM Masuul kama ahan qormadan iyo fikirka ay xambaarsantahay, waxay ku koobantahay qoraaga noo soo gudbiyey. 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com