Raaskambooni Oo La Fajacday Booqashada Madaxweynaha Ee Gedo

0

Kismaayo (AGGM) Sida ay noogu soo waramayaan ilaha AGGM eek u sugan Kismaayo waxaa maanta kala carar galay horjoogayaasha Raaskambooni kaddibmarkii ay maqleen in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu gaaray magaalada Garbahaareey.

Xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaan la socodsiinin safarka madaxweynaha koox beeleedka Kismaayo maadaama aad looga shakisanyahay inay xiriir dhaw la leeyhiin Alshabaab.

Raaskambooni kama taliso Gedo balse waxa ay afka ka sheegataa inay masuul ka tahay gobolada Jubbooyinka, waxayna ku suganyihiin dhismayaal kooban oo magaalada Kismaayo ku yaalla kaddibmarkii magaaladaas ay go’doomiyeen Alshabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa safar aan horey loo sii sheegin ku gaaray magaalada Garbahaareey oo ah caasimada gobolka Gedo ee koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com