Raiisul wasaare C/wali oo shixnad gar gaar ka gudoomay Imaaraadka Carabta

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay Wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shixnad gar gaar ah oo raashin ah ka guddomay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dad Soomaaliyeed oo cuno yari ku haysato qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Madaxa Mashaariicda ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Saciid Cabdalla oo ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha deeqdaasi raashinka ah oo ay ku jireen ku dhawaad 40 gawaarida xamuulka ah ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay gurmadka ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana kaalmadaan kaga soo jawaabayeen codsiga Xukuumadda ay soo jeedisay.

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Axmed Baafo oo ka mid ah guddiga ay Xukuumadda u xilsaartay gurmad u fidinta dadka dhibaateysan ayaa sheegay in kaalmadaan ay gaarsiinayaan dadka u baahan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dowladda Isutaga imaaraadka Carabta sida ay u caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo dadka waxhasta ugu baaqay inay isu gurmadaan, maadaama ay soo dhawdahay maalmaha ciidul Fitriga.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa bishan Ramadan muqdisho ka qeybineysay raashin bisil oo ay siineysay dadka danta yare e kunool degmooyinka gobolka banaadir.