Raiisul wasaare C/wali”kama hari doono cadowgii dilay xildhibaanad Saado

0

Raiisul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane C/wali Sheakh Axmed Maxamed oo maanta ka qeyb galay aaska xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa tacsiyeen kadib waxa uu sheegay in aan laga hari doonin kooxihii kadambeeyey dilka marxuumad Saado Cali.

C/wali sheakh waxa uu sheegay in hay’adaha amaanka dowlada Soomaaliya uu amray in ay soo dadjiyaan qabashada kooxahaasi oo uu sheegay in marnaba aan looga hari doonin falka ay ku qaarajiyeen shaqsi ku weyn umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in shacabka muqdisho looga baahan yahay ka qeyb qaadashada amniga dalka, gaar ahaana caasimada oo uu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dowlada.