Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid “Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay cadaaladda horkeento kooxihii dilay Xildhibaan Saado”

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo Marwadiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii loo-geystay allaha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame oo kooxo hubaysan ay maanta ku dileen magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelkii iyo dadkii ay ka baxday Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ahayd Fanaanad si wayn loo yaqaan kana mid ahayd hoballadii Waaberi, waxana uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay cadaaladda korkeento kooxaha dilalka qorshaysan u geysanaya hal-doorka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Saacid inay dishay koox doonaya inay cabsi gelliyaan shaqada Baarlamaanku uu dalka u hayo, wuxuuna xusay inay dhimatay tobankii dambe ee Ramadaan, isagoo ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay baaritaan ku samayso dilka loo geysanayo dadka waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed, isla markaana Maxkamad lasoo taago kooxaha dhagar-qabayaasha ee dilalka u geysanaya shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

“Dilka Xildhibaan Saado oo ahayd shaqsi caanku ah wadaniyad iyo dal jacayl wuxuu kamid yahay qorshayaasha cadowgu u maleegayo bulshada Soomaaliyeed ee Sooman, Saado waa shaqsi aan muddo dheer aqoon u lahaa oo runtii mar walba ku taamaysay inay Soomaaliya gaarto Nabad iyo wada-noolaansho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.