Raiisul wasaaraha”dambiile si fudud laguma sii deyn doono

0

Muqdisho, AGGM: Raiisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheakh Axmed oo ka qeyb galayey barnaamij kabaxa Radio Muqdisho ayaa kahadlay qorshaha dowlada ay u dajisay dadka lagu helo falalka dambiyadaha ee kujira xabsiyada dowlada.

Waxa uu sheegay Raiisul wasaaruhu in shacabka Muqdisho aaney arki doonin dambiile si fudud lagu sii daayey oo markii hore shacabku ay far muuqeen, isagoo xusay in dowladu aaney si fudud ku sii deyn doonin cid waliba oo dambi lagu helo.

“Dadka haku seexdaan hana kusoo toosaan ineysan arki doonin dambiile ay sheegeen oo si xor ah magaalada u maraya, xukuumadana qorshe ayey u dajisay”. Sidaas waxaa yirir Raiisul wasaaraha.

Raiisul wasaaraha ayaa kadalbaday shacabka in ay ku dhiiradaan la shaqeynta hay’adaha amniga dowlada Soomaaliya si nabad loo gaaro.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com