RW Cabdiwali Oo Gacanta Ku Haya Qorshe Maamul Goboleed Loogu Dhisayo Gobolada Dhexe

0

Muqdisho(AGGM) Sida ay noo xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ku sugan xafiiska RW Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed waxaa magaalada Muqdisho ka socda galaan gal siyaasadeed oo xowli tan iyo markii ay xukuumada RWha shaacisay inay gacanta ku hayso dhismaha hal maamul oo mideysan loogu dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Qorshaha oo la isugu keenayo min Gal-Mudug ilaa gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu wadaa in madaxda dawlada ay saxiixaan, waxaana jiri cadaadis adag oo arrintaas ka saaran labada masuul maadaama umad badan oo goboladaas ku nool ay doonayaan in ay helaan maamul goboladeed sida maamul goboleedyada kale ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmo ka hor shaaciyey in uu bisil yahay qorshe maamul mideysan ay ugu dhisayaan umada degan labadaas gobol.

Maamulkaas waxaa lagu wadaa inay ka mid noqdaan Soomaali Centraal State, Ahlusunna,Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb. Waxaa sidoo kamid noqonaya beelaha kale ee degan gobolkaas ee aana maamul goboleedyada lahayn sida beesha Dir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com