Safiirka Turkiga Oo Muqdisho Ka Laalaabtay

0

Muqdisho (AGGM)  Kulan xaflad gaaban ah, oo uu kasoo qeybgalay Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa manta lagu qabtay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka. Kulanka ayaa lagu sagootinayey Safiirkii dowladda Turkiga u fadhiyay dalka Soomaaliya, waxaana lagu qabtay gudaha garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Safiirkii dowladda Turkiga u fadhiyay dalka Soomaaliya Mudane Kamaaludiin oo khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay madasha kulanka ayaa ugu horeyn u mahadnaqay Dodowladda Federaalka  Soomaaliya, Isagoo sheegay in dalka Soomaaliya ay imaadeen xilli xaalad xun ay ka taagneed,  ayna mare walba garab taagnaan doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa isna dhankiisa aad ugu mahadceliyay Safiirkii dowladda Turkiga u fadhiyay Safaaradda ay ku leeyihiin magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka. Dowladda Turkiga, ayaa gargaar iyo hiil u muujiyay shacabka Soomaaliyeed, sanaddii 2011kii oo dalka ay ku dhufteen abaaro xoogan oo halageeyay dad iyo duunyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com