Salaad Cali Jeelle” “Dam Jadiid Sharciga Ayay Ku Ciyaaranayaan”

0

Muqdisho (AGGM) Salaad Cali Jeelle ayaa si adag uga horyimid habkii ay dawlada u  martay Xilka qaadistii Xeer Ilaaliyihii Guud Qaranka oo dhawaan uu sixiixay Madaxweynaha kaddibmarkii ay u coddeeyeen golaha wasiirada.

Salaad Cali Jelle oo ahaa hoggaamiye kooxeed, xildhibaan, wasiir ku xigeen hore haddana ah guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada Soomaaliya oo Muqdisho ka dhisan ayaa si adag u weeraray wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Faarax sheikh C/qaadir oo uu ku sheegay in uu masuul ka yahay dhamaan wax yaabaha dhacay.

Mudane Jeelle ayaa u arka Dam Jadiid halis wadanka Soomaaliya soo wajahday kaddibmarkii sida uu sheegay u dhaqmayaan sida kuwa sharciga ka weyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com