Saraakiil Jaziira tababar looga furay

0

Saraakiishan oo kamid ah kuwa xooga dalka ayaa tababarka maanta waxaa looga furay xerada Jaziira, iyadoo munaasabad loo qabtay  ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ka socday Midowga Yurub, Waxaana tababarkan bixinaya macalimiin ka tirsan hogaanka qeybta tababarada Midowga Yurub oo hadda ku shaqeynaya gudaha dalka.

Madaxa hogaanka tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Mustaf Mursal Maxamed oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay ka hogaan ahaan ay ugu gol’leeyihiin tababarka loo qabanayo saraakiishani ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka mid lagu horumarinayo aqoontooda si ciidamada ay ugu sahlanaato howsha baaxada leh oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo uu goob joog ka ahaa Abaanduulaha arrimaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdiqaadir Macalin Nuur oo hadal kooban ka jeediyay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeennada kula dar daarmay in koorsadani ay ka faa’iideystaan, islamarkaana gaarsiiyaan ciidanka aan fursadda u helin tababarkan.

Jeneraal Cabdiqaadir Macalin Nuur ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub dadaalada ay gacan ku siinayaan dowladda xagga dhismaha ciidanka iyo tayentooda, si dib loogu soo celiyo karaamadii iyo cududii ay lahaayeen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.