Sawiro: Amaanka Dalka Oo Laga Shiray

0

Muqdisho (AGGM) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir Guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo kulanka warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka looga dhageystay Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu horreyntii waxay warbixin ku aadan Ammaanka ka dhageysteen Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg. “Howlgalo ay sameeyeen ciidamadda amniga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu soo qabtay 67 ruux oo la tuhmay, 13 kamid ah waa qirteen inay Shabaab ka tirsan yihiin, kuwa kalana weli baaritaan ayaa ku socda, sidoo kale waxaa la fashiliyay shabakaddo ka tirsan Shabaab oo ka dhisnaa degmooyin kamid ah Muqdisho, waxaa la dilay Saddex kuwa kalana gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxaa laga hortagay qaraxyo la doonayay in lagu bartilmaameed sado xarumo muhiim ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka

Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen ciidamadda ammaanku, waxaana uu sheegay in qorshaha ammaanka wax looga qabanayo uu yahay mid ay ka wada qayb qaadanayaan Ciidamada iyo daweynaha Soomaaliyeed si looga hor tago khatarta ay la imaan karaan kooxaha nabad diidka ah.

“Xukuumadda waxay xoogga saaraysaa in dalka laga xoreeyo cadowga isla markaana la sugo ammaanka, howlgaladii u dambeeyay ee Ciidamaddu Amnigu ka sameeyeen Muqdisho waxaa looga guuleystay burburinta goobo cadowgu iska soo abaabuli jiray. Tanani waxay marqaati u tahay gacanta aan ka helnay Shacabkeena Soomaaliyeed” ayuu yiri R.W Abdiweli Sh. Axmed.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay kulanka in warbixino looga dhageystay Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka, Booliska iyo Nabad sugidda.

“Waxaa laga hadlay tallaabooyinka xiliga ay ku howlantahay dowladda, waxaana warbixino laga dhageystay Taliyayaasha Ciidamadda Xogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda waxayna soo bandhigeen qaabka wax looga qaban karo amniga dalka iyo tayaynta Ciidamadda”

Ridwaan ayaa sheegay in dib-u-habayn lagu samayn doono ciidamadda Nabad Sugida si kor loogu qaado sugidda amniga iyo tayada Ciidanka, sidoo kalana Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in dhawaan ay ka filiyaan UN-ka tababar inay u furaan ciidamo ka tirsan Booliska.

Dood dheer ka dib waxaa la isku raacay in la adkeeyo amniga bacdamaa kooxda Al-Shabaab jab weyn loo geystay, lagana fili karo in ay fuliyaan falal argagax iyo dhib joogta ah u keeni kara shacabka Soomaaliyeed.

w1 w2 w3 w4 w5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com