Sawiro: Axmed Madoobe Iyo Qaar Kamid Ah Horjoogeyaashiisii Oo Laga Waayay Fagaarihii Ciidda Kismaayo

0

Kismaayo (AGGM) Maanta guud ahaan Soomaaliya iyo caalamkaba waxaa looga dabaaldegayaa munaasibadda ciidul fitriga balse bulshada Jubbooyinka ayay ciidaan waxa ay uga duwan tahay ciidihii hore maadaama amniga magaalada uu aad u xunyahay.

Inka yar 100 qof ayaa isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee Waamo ee Kismaayo. Waxaana halkaas kula tukaday xubno farakutiris ah oo kamid ah kooxda Raaskambooni sida horjoogaha afhayeenka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar, horjoogaha labaad ee Raaskambooni  Fartaag, horjoogaha degmada Kismaayo Ibraahim Timajilic, horjoogaha ONLF ee hadda gudoomiyaha ka ah gobolka J/hoose Cabdirashiid Gooni balse waxaa habayaraatee goobtaas aana imaanin xubnaha wasiirada ugu magacaaban koox beeleedka Raaskambooni iyo horjoogaha kooxdaas Axmed Madoobe.

Horjooge Fartaag oo goobta ka hadlay ayaa ku canaantay shacabkiii goobtaas joogay inaysan amaanka waxba kala qabanin, inkastoo taasi ay nasiib daro tahay maadaama ay iyagu sheegteen inay yihiin maamul balse u taagwaayeen in ay sugaan amaanka magaalada.

Halkaan ka daawo sawirada qaarkood iyadoo umada sawirada kaaga muuqata ay dhinacyada eegayaan cabsi ay ka qabaan amaankooda darteed.

k1 k2 k3 k4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com