Sawiro Dhif Ah: Askar Muslimiin Ah Oo Ka Tirsan AMISOM Oo Cibaadaysanaya

0

Muqdisho (AGGM) Soomaaliya waxaa jooga ciidamo AMISOM oo tiradooda ay gaarayso ilaa 22000 oo askari, kuwasoo ku sugan gobolo kala gedisan oo dalka kamid ah. Waxaana howlgalkoodu uu la xiriiraa sidii ay Soomaaliya nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

Inkastoo ay Soomaali tahay wadan Muslim ah haddana waxaa ciidamadan ay yihiin kuwa diin ahaan aan loo soo xulin balse si bina’aadanimo ah loo geeyay Soomaaliya si ay u kala dhexgalaan umada Soomaaliyeed ee dirirtu ay ragaadisay muddo ku dhaw 24 sanno.

Ciidamadan waxaa kamid ah kuwa Muslimiin ah oo waddamo kala duwan ka soo kala jeeda sida Ugaandha, Kenya, Jabuuti, Burundi iyo siriliyoon haba ugu badnaadeen kuwa wadanka Jabuuti.

Kuwooda Muslimiinta ah waxay sameeyaan wax walba oo caadiyan qofka muslimka ah laga rabo sida salaada iyo cibaadada kale ee laga doonayo. Waxaana sida ka muuqato sawiradaan hoose la arkayaa cibaadaysanaya.

Halkaan hoose ka daawo sawiradaas

a1 a2 a3 a4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com