Sawiro: Gaas Oo Qado Sharaf U Sameeyay Garaad Saleebaan

0

Garoowe (AGGM) Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu magaalada Garoowe qado sharaf maamuus weyn leh ugu ssameeyay mid kamid ah isimada ugu weyn Khaatumo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Gaas oo ay dhinacyo fadhiyeen Ku Xigeenkiisa oo isagu ka soo jeeda deegaanada Khaatumo Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay iyo xubno kale oo dawladiisa ka tirsan ayaa amaan u soo jeediyay Garaadka.Isagoo ka dalbaday Garaadka inuu kala shaqeeyo midnimada iyo dhismaha Puntland.

Garaadkan ka soo jeeda Beesha Dhulbahante gaar ahaan Ugaaryahan ayaa tagidiisii Puntland waxay noqotay mid buuq ka dhex abuurtay isaga iyo Garaadada kale ee wali aaminsan mowqifka jiritaanka Khaatumo oo uu Garaad Saleebaan wax ka dhisay.

Garaadada kale ee Khaatumo ayaa eedeeyay Garaad Saleebaan waxayna sheegeen in tagitaankiisa Garoowe uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin jiritaanka iyo horumarka Khaatumo.

Halkaan ka daawo sawirada qado sharafkaas

g1 g5 g6 g7 g8 g3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com