Sawiro: Raaskambooni Oo Doon U Soo Iibsatay Cabsi Ay Ka Qabto Hub Col Barre Hiiraale Ugu Yimaado Dhinaca Badda

0

Kismaayo (AGGM) Kooxda Kenyaatigu ay kaabaan ee maleeshiyada Raaskambooni ayaa hal doon ah soo iibsatay si ay u ilaaliso weerar uu Col Barre Hiiraale kaga soo qaado dhinaca badda iyo in ay ka hortagaan sahayda joogtada ah ee ciidamada Barre Hiiraale ugu timaado badda.

Col Barre Hiiraale wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya ayaa xiriir caalami ah la leh dibada iyo gudahaba, waa nin qidad milatari oo weyn leh, taasoo ay dhici karto in uu maaganyahay howlgal weyn oo xittaa uu ka soo qaadi karo dhinaca badda.

Doonidan ayaa lagu soo iibiyey suuq madoow, waxaana laga soo iibiyey Kenya sida ay noo sheegeen dad wax ogaal ah.

Warar kale ayaa sheegaya in Raaskambooni ay maqashay inay jiraan ciidamo farabadan oo col Barre Hiiraale ugu yimaada dhinaca badda.

Inkastoo ay haystaan kooxdan maleeshiyada Raaskambooni gaadiidka tikniko ah oo suuq madoow ay kaga soo iibsadeen Liibiya haddana waxaa ka badatay cabsida la xiriirta in gaadiidkaas laga furto maadaama ay ciidamadoodu yihiin kuwa habqan ah.

Barre Hiiraale ayaa ku goodiyey inuu weerar lixaad leh ku qaadayo kooxda tabarta yare e Raaskambooni ee ay gadaal ka taaganyihiin ciidamada Kenya.

d1 d2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com