Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Lagu Qarxiyey Yemen

0

Sanca (AGGM) Ugu yaraan lix ruux oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa la rumeysanyahay inay  ku geeriyoodeen qarax sida la sheegay ka dhacay magaalada Sanca ee caasimada Yemen. Dad kale oo 10 gaaraya ayaa iyaguna isla goobta ku dhaawacmay.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo xiray labo gaadiid ah oo sida la sheegay ahaa Basas dadkaas ay ku socdaalayeen. Dadka gaadiidkaas saarnaa ayaa la sheegay in dhamaantood ay ku sii jeedeen tahriib ay u galaan sohdinta wadankaas uu la wadaago Sucuudiga.

Dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla Sanca. Waxaana jira baaritaan soconaya oo la xiriira cidda iyo sababta weerarkaas loola eegtay dadka tahriibayaasha ah.

Mana cadda sababta loo beegsaday dad masaakiin ah oo naftooda kala baxsanaya saboolnimo iyo colaado wadankoodii ka taagan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com