TOP-Baarlamaanka Dowlada Kenya oo si aan caadi aheyn u gorfeeyay Ciidamada ka jooga Dalka Somalia.

0

Xildhibaannada baarlamaanka ee dalka Kenya oo dood kulul ka yeeshay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa si weyn isugu eedeeyay u dabacsanaanta kooxda Al-Shabaab iyo ku lug lahaansha ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya.

Hoggaamiyaha akhlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa ku eedeeyay Isbaheysiga Mucaaradka ah ee CORD iyo Al-Shabaab in ay ku hadlayaan hal luuqad oo ah in ciidamada Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan ciidankeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya, wuxuna ka dalbaday xubnaha isbaheysgiga CORD in ay joojiyaan u dabacsanaanta Al-Shabaab iyo dalabkooda ku aadan in ciidanka Kenya dib loo soo celiyo.

Xildhibaan Jakoyo Midiwo, oo ka tisan isbaheysiga CORD ayaa ku eedeeyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale in uu ka ganacsado dhuxusha laga soo daabulo Soomaaliya, isagoo adeegsanaya ciidamada xoogga ee Kenya.

Jakoyo Midiwo ayaa sheegay in lacag sharci-darro ah laga aruuriyo dadka ganacsatada ah ee ku nool Kismaayo, wuxuuna dalabaday in Aadan Barre Ducaale uu si degdeg ah raaligalin uga bixiyo eedeynta uu u jeediyay CORD, haddii kale ay qaadi doonaan tallaabo adag oo ka dhan ah.

Doodda ka dhacday baarlamaanka Kenya ayaa sii adkeyneysa xiisadda culus ee ka dhax-aloosan hoggaamiyeyaasha Kenya oo si weyn ugu kala aragti duwan arrimaha amniga iyo joogitaanka ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya.