Dhageyso:- Barre Hiiraale iyo Saraakiisha Ciidamadiisa oo shir ku yeeshay Duleedka Kismaayo

0

Kismaayo, AGGM: Saraakiisha Garabka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan ku saabsanaa Dagaal in lagu qaado Kismaayo oo shalay ka dhacay Duleedka Magaaladaasi.

Afhayeenka Garabka Barre Hiiraale C/rashiid Macalin Gaas oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in ujeedka kulankii shalay ay wada qaateen Barre Hiiraale iyo Saraakiisha ciidamada uu ahaa sidii duulaanka lagu qaadayo Kismaayo looga fekeri lahaa.

Wuxuu tilmaamay in Barre iyo Xubnaha ciidankiisa ka tirsan ee shiray ay isla garteen qaadista weeraro ka dhan ah Ciidamada Jubba iyo kuwa Kenyatiga ee Magaalada Kismaayo ku sugan.

C/rashiid Macalin Gaas ayaa xusay in ay sugayeen dhamaadka Bisha Ramadaan iminkana ay dhamaatay Ramadaantii oo ay hada diyaar u yihiin in si xoog ah Magaalada inay ku galaan oo guryahooda ay ku noqdaan.

Dagaal ayuu sheegay in Magaalada Kismaayo looga soo saaray Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa, mana dhici doonto ayuu yiri inaan wadahadal ku galno Magaalada ilaa aan xoog aan dib ugu noqono Kismaayo.

Ciidamada Jubba iyo kuwa Kenyatiga ayuu ku eedeeyay inay geystaan wuxuu ku tilmaamay xasuuq Bini’aadinimo oo ay ka wadaan Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Maamulka Jubba iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa Warbaahinta isku maraya hanjabaad ku aadan in weeraro ay qaadayaan oo dhinacba dhinaca kale uu leeyahay waan uga taqalusaynaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com