Top News: Dagaalo Ka Socda Magaalada Bengazi Ee Dalka Liibiya.

0

Bengazi, AGGM: Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhintay dagaal dhex maray ciidamada Libya iyo maleeshiyada islaamiyiinta magaalada Bengazi, sida wararka ay sheegayaan.

Dagaalka ayaa dhacay markii maleeshiyada ay soo weerartay bartamaha magaalada.

Dagaal kadhacay meel u dhow garoonka Tripoli ayaa dilay labaatan iyo saddex kale sida wararka ay sheegayaan.

Maleeshiyada maamusha qaybo badan waddanka ayaa ka masuula dagaalkii ugu cuslaa tan iyo intiiuu bilaabmay kacdoonkii 2011 ee lagu riday Qadafi.

Maraykanka iyo Britain ayaa dadkooda ku waaniyay inaysan aadin Libya.

Sabtidii, Maraykanka ayaa ka soo bixiyay Tripoli shaqaalihiisa safaarada.

Turkey ayaa sidoo kale ka soo bixisay 700 oo shaqaale Libya.

Horaantii toddobaadkan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay kala soo baxayso shaqaalaheeda oo dhan Libya.

Dowladda Libya, oo aan lahayn ciidan ayaa meelo badan oo ay maamuli jirtay waxaa ka qabsaday maleeshiyo labadii sano ee la soo dhaafay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com