TOP NEWS DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Si adag kaga hadlay Dilka Xildhibaanada wayn Saacdo Cali Warsame

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, ehelada, qarabada, xildhibaanada baarlmaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo.

Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.”