TOP NEWS:- Gacanyarihii Hogaamiyaha Maleeshiyada Shabaab Axmed Godane oo Muqdisho lagu dilay

0

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in waqooyiga magaalada Muqdisho ay ku dileen sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena gacan yare u ahaa dagaal-ooge Axmed Cabdi Godane.

War-qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay ninkaas oo lagu magacaabo Ciise Maxamed Dhoore uu ahaa ninka isku xira Axmed Godane iyo ajaaniibta ka barbar dagaallama Al-Shabaab.

AMISOM waxay sheegtay in nikan uu ku dhintay markii ay heleen xog ku saabsan in uu jirro shir ay lee yihiin hoggaamiyaal ka tirsan Al-Shabaab kuwasoo ku shirayay gurri ku yaalla waqooyiga Muqdisho sidda lagu sheegay qoraalka ka soo baxay AMISOM.

Dhinaca kale, war-saxaafadeedka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in duqeymo ka dhacay gobalada Gedo iyo Jubbada Dhexe lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa kaloo AMISOM ay sheegtay in Shabaab laga qabsaday deeganka 45km u jira magaalada Baladxaawo ee goblka Gedo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan warka AMISOM ka soo baxay ee ku aadan in la dilay sarkaal muhiim u ah Al-Shabaab.