TOP NEWS:- Magacyada iyo Qabiilada Saraakiisha Shabaabka ah ee Saaka Muqdisho lagu toogtay

0

Waxaan idiin soo gudbinaynaa magacyda iyo Qabiilada ay u dhasheen saraakiisha shabaabka ah ee saka lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha la toogtay saakay waxay u kala dhasheen ,hal ,Isaaq Habaryoonis, Labo Habargidir Ceyr Ayaanle, iyo hal 1 Duduble.

Labada u dhashay beesha Ceyr Habargidir waxay ka tirsan yihiin Amniyaatka Al-Shabaab,waxayna askari ku dileen degmadda Hodan. waxaa lagu kala magacaabaa Mustaf Shidane iyo Abdifitah Khaliif Baalle.

Ninka u dhashay beesha Duduble waxaa laga soo qabtay Dayniile isagoo xambaarsan qoriga loo yaqaan Hoobiyaha.

Ninka afaraad wuxuu Muqdisho ka geystay qaraxyo ,wuxuuna ka yimid Burco,Togdheer.waxaa lagu magacaabaa Mucaawiye Ahmed Jamac.

Afartaan nin saaka waxaa lagu toogtay meel fagaaro ah oo ku taala magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir.

 

Isha:-Waagacusub.