Top News: Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Ummadda Soomaaliyeed ugu Hanbalyeeyey Munaasabadda Ciidul Fidriga.

0

Muqdisho,  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubka Islaamka ugu hanbalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga. Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed in ay ciiddan Cideeda ku gaaraan nabad iyo horumar , isla-markaasina ay ka adkaadaan cadawgooda ka hortaagan nabadda iyo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sheegay in Cidda Fidrigu tahay munaasabad sannad leh oo dadka Muslimiintu ku soo afmeeraan bisha barakaysan ee Ramadan, iyagoo farxad iyo damaashaad ku sagootinaya bishaasi.

Mudane Cabdiweli ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in faraxadda Ciiddul Fidriga awgeed ay is gargaaraan, kana wada qayb-galaan wixii wanaag u ah ummadda iyo waddanka, iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo dhaawacaya dalka iyo nabaddiisa.

Isagoo ka hadlayey hanbalyada Ciidda, Mudane Cabdiweli waxa uu yiri:
“ Hanbalyo, waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hanbalyeynayaa munaasabaddan Ciiddul Fitriga, waxaan idiin rajaynayaa inaad nabad iyo farxdad ku ciiddaan. Waxaan ka soo baxnay bil barakaysan oo cibaado, inagoo ku soo khatimayna munaasabaddan farxadda leh.

“ Waxaan shacabka Soomaaliyeed leeyahay ciiddan ciideeda ku gaara nabad, horumar iyo barwaaqo. Waxaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa inay is gacan qabtaan oo is taakuleeyaan.

“ Munaasibaddan ciiddu waxay ku soo beegantay iyadoo waddanku marayo xilli adag oo dhinaca ammaanka ah, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dadkii ku dhintay xilligii la soo dhaafay iyagoo gudanaya waajib qaran. Dowladdu waxay waddaa qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo ammaanka qaranka.

Ciid Mubaarak W Kulli Caam Wa Antum Bikheyr.

—-Dhammaad—

Abdirashid Muse Said
Press Officer
Warbaahinta Xafiiska RW
Mogadishu-Somalia
Email:media@opm.gov.so
Tell: +252616318823
Twitter:@SomaliPM, @AbdirashidMuse

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com