Top News+Daawo: Xanuunka Macaanka Type 2 Oo Loo Helay Geed Loo Yaqaano Xabxab Qadhaadh (Bitter Gourd) Qofka Isticmaalan.

0

Muqdisho, AGGM:Khubaro Baadha Xanuunka Macaanka Type 2 Oo Ogaaday In Geedka Loo Yaqaano Xabxab Qadhaadhku (Bitter Gourd) Uu SiRasmi Ah U Daweeyo Macaanka Qofka Isticmaalana Uu Xanuunkaasi SiRasmi Ah Uga Tagayo.

Khubarada baadhaya in dawo rasmi ah loo hello xanuunka macaanka noociisa loo yaqaano (TYPE 2), oo ah macaanka qofka ku dhaca ee aan ahayn ka aanu ku dhallan ayaa sirasmi ah u xaqiijiyey in geedka loo yaqaano xabxab qadhaadhka afka ingiriisigana lagu yidhaahdo (Bitter Gourd) in haddii muddo lix bilood ku dhaw uu qofka xanuunka macaanka TYP-2 uu haya isticmaalo, inay %80 u dhawdahay inuu xanuunkaasi gebi ahaanba ka baxo jidhkiisa. xab xab- Bitter Gourd

Geedkani xabxab qadhaadhka oo badanka laga hello ama ka baxa dhulka kulaylaha ah ee dalalka Pakistan, India iyo Bangaladesh, iyo China ayaa khubaradu waxay sheegeen in ay ku jirto maado loo yaqaano monosaccharides oo beera ama bilqiya dheecaanka Insulin-ka loo yaqaano ee ka soo baxa beerka dheecaankaasi oo ka caawiya qofka bini’aadmiga ah inuu sonkorta jidhkiisa gallaysa burburiyo, haddii uu dheecaankaasi yaraadana keenaya inay sonkortu
dhiiga raacdo.

Dr. NK Davidson oo ka tirsan xarunta cilmi baadhista xanuunka macaanka (The Diabetes Research Foundation), ayaa sheegay in geedka Bitter gourd ay ku tijaabiyeen dad tiradoodu gaadhayso ilaa 200 oo qof oo ka soo kala jeeda dhammaanba jinsiyada ay dadku ka koobanyahiin sida cadaanka, madawga iyo dadka midabkoodu u dhexeeyo madawga iyo cadaanka, isla markaana 200 ee qof ee ka mid ah 50 qof oo ka mid ah oo isticmaalay geedkani xabxab qadhaadhku (Bitter Gourd) uu dheecaanka Insulinku uu sirasmi ah ugu soo noqday, isla markaana dadkaasi ay sirasmi ah uga maarmeen dawooyinkii ay u qaadanayeen xanuunka macaanka noociisa Tpe 2 loo yaqaano.

Sonkorta Bitter Gourd

Siduu Geedkani Xabxab Qadhaadhku (Bitter Gourd) Loo Isticmaalaya Geedkani xabxab qadhaadhka ayaa u eg muuqaal ahaan sida khudrada muuska oo qaro ahaan iyo dherer ahaanba ka weyn, waxaana uu leeyahay dhadhan aad iyo aad u qadhaadh oo qofka ku cusub ay ku adagtahay inuu marka hore la qabsado. Xab xab Bitter Gourd

Khubaradu waxay leeyahiin, geedkani waxaa loo isticmaali kara fuuq ahaan ama cabitaan iyo weliba in cuntada lagu karsado, marka la kala jaro ama la kala gooyo waxaa dhexdiisa ku jira ubuc ama qayb cad, qaybtaasi cad ayaa waxaa laga dhigan kara cabitaan iyadoo lagu shiidaayo mishiinka lagu ridqo ama lagu shiido khudradda.

Goorma La Isticmaalaya

Khubaradu waxay leeyahiin geedkani waxaa uu wanaagsanyahay in la isticmaalo xilliga aroortii ka hor intaanad quraacan ama calooshaadu madhantahay, haddii aad cabto koob laga miiray ubucda geedkani, wuxuu ka faa’iido badanyahay isla markaana ka wax tar badanyahay marka la isku daro kiniinadda macaanka loo cuno noocyadooda loo yaqaano Metformin iyo Gliclazide.

Qolofta ama dulka sare ee Geedka Oo Cuntada Lagu Karsan Karo Qolofta sare ama dulka sare ee geedkaniBitter Gourd ayaa sidoo kale lagu darsan kara cuntada sida suugadda ama maraqa, iyadoo loo karinayo sida khudradda oo kale.

Caafimaadka.com
E-mayl. Editor@caafimaadka.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com