Top News:Jaaliyada Beesha Sade Ee Dalka Denmark Oo Baaq Nabadeed U Diraya Dhinacyada Ku Dagaalamay Magaalada CAABUDWAAQ..

0

Copenhagen, AGGM: Jaaliyada Beesha Sade Ee Dalka Denmark ayaa baaq Nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galguduud, iyagoo dalbaday in xabadda la joojiyo, waxkastana lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Anagoo ka tiiraanyaysan dhacdadaan murugada leh waxaan marka hore tacsi u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii intii ku nafweyd dagaalkaan waxashnimada ah in illaah samir ka siiyo iyagana naxariis eebe siiyo. Inta dhaawaca la jiiftana illaah ka kiciyo.

Kulan Gudiga Jaaliyada Beesha Sade ee dalka Denmark ay Ku yeesheen Qadka telefoonka (Teleconference) ayay ku cambaareeyeen dagaal beeleedyada soo noq noqday ee ka soo cusboonaaday magaalada Caabudwaaq, waxaana ay ku baaqeen in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaaladaasi.

Gudiga Jaaliyada beesha Sade ee dalka Denmark ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhowr iyo 20 sano kaddib in weli loo sii hamuunqabo dagaal sokeeyo oo dhex mara bulshada Soomaaliyeed ee wada degta, waxaana ay ka codsadeen odoyaasha dhaqan ee labada dhinac inya u istaagaan sidii wax kastana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

“Waxaan Maamulka degmada Caabudwaaq, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ugu baaqeenaa inay qayb ka qaataan kaalintooda uga aadan joojinta colaadda, ayna kala dhex dhigaan ciidamado si aysan markale dagaalka u soo laaban” ayaa lagu yiri baaqa ay soo saareen Gudigga Jaaliyada beesha Sade ee dalka Denmark.

Gabagabo Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan bulshada Waqooyiga Galguduud in ay ilaashadaan midnimadooda gacanna ku siiyaan Maamuladooda  sugida amniga oo haddii la waayo nabad jiritaankoodu khalkhal geli karo.

Gudiga Jaaliyada Beesha Sade Ee Dalka Denmark
sadedenmark@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com