Top News:Xaalad Nolol Xumo Ah Oo Ka Jirta Deegaanno Hoostaga Degmada Balad Xaawo.

0

Balad Xaawo, AGGM:Maamulka degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ka deeriyay xaaladda nololeed ee dadka ku nool deegaannada miyiga ee hoos taga degmada Balad-xaawo.

Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka degmada Balad-xaawo Cabdiqaadir Xuseen ayaa sheegay in ay macluul ka jirto deegaannada Malkaariyey, Gaawiido, Jiracle iyo deegaannada kale ee ku yaalla dhulka baadiyaha fog ee ku xeeran degmada.

Cabdiqaadir Xuseen ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay meelahaas ka jiraan biyo la’aan, isla markaana dadka iyo xooluhuba ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan harraad iyo gaajo.

Hay’adaha samafalka, jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda iyo dowladaha taageera Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka ku nool deegaannadaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com