UCID Oo Shaqadii Ka Eriday Xogahayihii arrimaha dibada Yuusuf Budle Kaddib Markii Uu Ismaaciil Cumar Geelle Wax Ka Sheegay

0

Hargeysa (AGGM)  Sida aanu ka soo xigay qalabka warbaahinta Somaliland waxaa shaqadiisii laga eryay xogahayii arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalami ah ee xisbiga UCID Mr Yuusuf Budle kaddib markii uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay cadowga Somaliland.

Gudoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Guray ayaa qoraal uu soo saaray ku raalligeliyey madaxweynaha Jabuuti. Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu qoraalka xil ka qaadista ku sheegay, in Yuusuf Budle laga qaaday xilkii xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga, kadib markii uu si habsami ah u gudan kari waayey xilkiisi, si toos ahna ugu horyimi siyaasada xisbiga ee ku waajahan arrimaha dibada,gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaar ah oo xisbigu aaminsanyahay sida qoraalka lagu sheegay, in uu mar walba uu noqdo mid iskaashi, isixtaraam iyo nabad kuwada noolaansho ku dhisan.

Gudoomiye ku-xigeenku wax kale oo uu qoraalka ku sheegay, in aanu Yuusuf Budle ku matel xisbiga UCID eedaha uu jeediyey dawlada Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, balse ay isaga uun ay ku koobnayd.Isla markaana guddooomiye ku-xigeenka UCID wuxuu raali-gelin ka bixiyey, wuxuu ugu yeedhay wixii deel-qaaf, xadgudub, aflagaado iyo fara-gelin arrimaha gudaha Jabuuti ah ee ka soo yeedhay Yuusuf Budle.

Yuusuf Budle xil ka qaadistaa uu ku dhawaaqay gudoomiye ku-xigeenka UCID wuxuu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsannayn, islamarkaan wuxuu sheegay in aanu xilka ka qaadi Karin Gudoomiye ku-xigeenka 3-aad, awoodna aanu u lahayn inuu sameeyo xil ka qaadis.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com