Top News: Ugaas Cali Xaashi “Dad Baa Hurinaya Colaada Shabeelaha hoose”

0

Muqdisho(AGGM) Ugaas Cali Xaashi oo kamid ah cuqaasha mid kamid ah Beelaha Shabeelaha hoose ayaa eed u jeediyey siyaasiyiin uu sheegay inay doonayaan mansab siyaasadeed, kuwaasoo qas ka wada gobolka Shabeelaha hoose.

Ugaas Cali Xaashi  ayaa ugu baaqay dadkaas  inay joojiyaan dagaalada oo ay ka shaqeeyaan nabad iyo wada noolaansho.Ugaaska ayaa sheegay in dad gobolkaas degan ay yihiin dad nabada jecel oo wax beerato ah.

Hadal Ugaaska ayaa imaanaya xili dawlada Soomaaliya ay marar badan guddiyo u saartay sidii loo dhameyn lahaa xiisadaha ka aloosan gobolka Shabeelaha hoose, ilaa haddana ma muuqato  wax horumar ah oo laga sameeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com