WAR DEG DEG AH:- Wariye katirsan warbaahinta dowlada oo qarax ka badbaaday

0

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno nawaaxiga Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, gaari uu watay Wariye Maxamed C/laahi Xaaji oo ka tirsan Radio Muqdisho, ayaa ka bad-baaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo la doonaye in lagu dilo.

Wararka waxa ay xaqiijinayaan in Maxamed C/laahi Xaaji kahor inta uusan fuulin gaari ay ku wargeliyeen shacab madasha ku sugnaa in gaarigiisa ay waxyaabaha qarxa ku xiran yihiin.

Intaasi kadib ayuu gadaal uga dhaqaaqay gaariga, waxaana qarxay durba gaariga oo meesha yiilay, mana jirto khasaaro dhimasho oo ka dhashay, inkastoo ay jiri karaan dhaawacyo ka dhashay firirka baabuurka

Gaariga wariyaha ayaa gabi ahaanba bur-buray, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii goobta tagay ee baabuurka soo arkay.

Ciidamada ku sugan Saldhiga Degmada Waaberi ayaa durba meesha kusoo yaacay oo goobta xiray, waxaana ay sameeyeen baaritaano, laakiin lama sheegin cid ay soo qabteen.

Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta Dowladda ayaa bartilmaameed u ah Al-Shabaab,

21-kii Bishii aan soo dhaafnay ayey aheyd markii Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan) lagu dilay qarax baabuurkiisa loogu xiray, xilli uu maraye nawaaxiga Hoteelka Muna ee Magaalada Muqdisho