WAR DEG DEH AH:- Maamulka Shabeelaha Dhexe oo amray Radio Jowhar in hawada laga saaro

0

Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Dhexe ee DF Cabdi Jiinow ayaa goor dhow amray in hawada laga saaro RADIO JOWHAR ka dib markii sida  naloo  sheegay idaacdu ay diiday sida uu asagu jecelyahay inay u shaqayso.

Muran u dhaxeeya gudoomiyaha iyo idaacada ayaa mudooyinkaana socday taasi oo keentay in ugu danbayntii uu amarkaan soo saaro gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe.

Idaacada Jowhar ayaa ah idaacad madax banaan taasi oo la aas aasay 2003-dii waxayna ku taalaa magaalada madaxda gobalka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar.

Wixii ku soo kordhaa la soco.