Wasaarada amniga oo soo saartay qorshe cusub oo amniga ku wajahan

0

Wasiirka Wasaarada amniga qaranka Qaliif Axmed Ereg aya maanta kahadlay qorshe cusub oo wasaaradiisu ay ugu talo gashay in lagu sugo amaanka magaalada Muqdisho oo wali ay kadhacayaan falalka ka dhanka ah amaanka.

Afhayeenka wasaarada amniga Maxamed Yuusuf Cismaan oo aqrinayey wareegto kasoo baxday wasaarada oo ku wajahan hanaanka lagu sugayo amaanka ayaa sheegay in wasaaradu ay howlgalineyso 10-baabuur oo ay ka buuxaan ciidamada nabad sugida (NISA) kuwaas oo sameyn doona rondo ay ku sameynayaan caasimada iyaga oo gaaf wareegaya habeen iyo maalin xaafadaha iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho.

Sidoo kale ciidamadan ayuu sheegay afhayeenku in ay baarayaan gaadiidkii ay ka shakiyaan oo ay kamid yihiin gaadiidka dowlada, isagoo faray wadayaasha gaadiidka dowlada in ay ogolaadaan in labaaro gaadiidkooda hadii laga shakiyo.

Qorshahan ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta dowlada ee ilaalada wata aysan wado ka qaadi Karin askari tuute wata iyadoo sababta lagu sheegay in falal amniga lidi ku ah uu geysan karo.

Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale sheegtay in dhamaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan in laga rabo inay la shaqeeyaan ciidamada loogu talo galay xaqiijinta ammaanka caasimada.

Khaliif Axmed Ereg oo horay usoo noqday Taliyihii ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir, ayaa ah hada Wasiirka Amniga Qaranka xilkaasi oo loo magacabay 9-kii Bishan.

Dad badan ayaa amni xumida ka jirta Magaalada Muqdisho ku tilmaamay mid ay Dowladda dayacday, islamarkaana ay ku fashilmeen Hay’adaha amniga Dowladda Hanaanka sugidda amniga Muqdisho.