Wasiir Indhoguran”dowlada Soomaaliya wan kala hadalnay in ay soo cadeyso cida beegsata xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee Muqdisho jooga

0

Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaraha DF ayaa xalay madaxtooyada ku qaabilay wafdi iskugu jira wasiiro iyo odayaal dhaqan oo Puntland ka socda Kuwaas oo muqdisho markodii hore u yimid ka qeyb galka aaska xildhibaanada Saado Cali Warsame.

Kulankan ayay wafdiga Puntland ka socda madaxda DF ugu soo jeediyeen inay baaritaan ku sameeyaan dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ay ku sheegeen in uu jiro tuhuno ay qabaan oo kuwajahan in dilka xildhibaanada laga dambeeyey.

Wasiirka wafaafinta Puntland oo saxafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay madaxda dowlada Soomaaliya ay kala hadleen baaritaan deg deg ah oo lagu sameeyo saddex xildhibaan oo deegan ahaan Puntand kasoo jeeda oo Muqdisho lagu dilay sanadkan.

Cabdiwali Xisri Indhoguran ayaa sheegay madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud inuu ka balan qaaday in loo howlgali doono sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa si cadaalada lasoo hor istaajiyo dadkaasi.

Ra’iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed oo Raadiyaha DF la hadlay ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub oo lagu soo afjaryo kooxda Alshabab.