Xaafadii shalay lagu dilay Xildhibaanad Saado oo dad lagu xir xiray

0

Maamulka Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir, ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal xalay laga sameeyay Degmadaasi, gaar ahaan nawaaxigii shalay lagu dilay Fanaanada Saado Cali Warsame.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka Degmada Hodan Cali Cabdi Cabdule oo la hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ee Degmada ay xalay sameeyeen howlgalo lagu soo qabtay dhalinyaro kala duwan

Wuxuu sheegay in howlgalkaan laga sameeyay Waaxda Oktoobar, gaar ahaan goobtii shalay lagu dilay Saado Cali Warsame oo aheyd nawaaxiga Xaafada Taleex, waxaana uu sheegay in howlgalkaasi lagu soo qab-qabtay 9-ruux oo dhalinyaro ah.

Baaritaano lagu sameeyay 9-ruux ayaa mid kamid ah waxaa lagu xaqiijiyay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay sida uu xaqiijiyay Guddoomiye kuxigeenka Dhanka ammaanka Degmada Hodan, waxaana uu sheegay in lasii daayay ragii kale ee lasoo qabtay.

Howlgal kale ayaa wuxuu sheegay in laga sameeyay Xaafada Saybiyaano ilaa Isgoyska Banaadir, waxaana halkaasi lagu soo qab-qabtay 20-ruux oo dhalinyaro ah, balse baaritaano markii lagu sameeyay kadib lasii daayay ragaasi.

Xabsiyada muqdisho ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo lagu soo qab qabtay howlgalo ciidanka dowlada ay kasameeyeen qeybo kamid ah muqdisho, inkastoo dhalinyaradasi aan lagu cadeyn eedeymaha loo jeediyey ee ah in amniga muqdisho ay lidi ku yihiin.