Xasan Aadan Samatar “Waa wax aad looga xumaado in Muqdisho bil Ramadaan lagu dilo Fanaanada Saado Cali”

0

Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Xasan Aadan Samatar, ayaa waxa uu ka hadlay dilkii shalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Fanaanadii weyneyd ahna Xildhibaanad ka tirsaneyd Baarlamaanka Soomaaliya Saado Cali Warsame.

“Waan ka xumahay dilka Saado Cali Warsame, gacan ka xaq daran baa dishay. Waxay ahayd qof Muwaadinad ah oo jacel Soomaalinimada iyo inay isu timaado 5-ta Somaliweyn.” ayuu yiri Xasan Aadan Samatar.

Wuxuu kaloo yiri “Waa wax aad looga xumaado in Magaalada Muqdisho bil Ramadaan lagu dilo Fanaanada Saado Cali Warsame oo ay aad u jecleyd bulshada Soomaaliyeed.”

Isagoo la hadlaayay waraahinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu Dowladdu ugu baaqay inay xil iska saarto ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kana hortagto dilalka ka dhacaaya Caasimada.

“Dowladda iyadaa ka masuul ah amniga Muwaadiniinta, saxna maaha in mar walba Magaalada Muqdisho lagu dilo Muwaadin. Dowladda waxaa laga rabaa inay ka hortagto, oo aysan dhicin waxaan oo kale.” ayuu yiri Xasan Aadan Samatar.

Samatar waxa uu shacabka reer Muqdisho ku booriyay inay la shaqeeyaan Dowladda Somaliya, iyadoo laga hortaggaayo dhagar qabayaasha dilalka ka geysanaaya Magaalada Muqdisho.

“Shacabka Soomaaliyeed iyagana waxaa laga rabaa inay ka shaqeeyaan xasiloonida, Dowladdana ka caawiyaan waxaan dadka ku dilaaya Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri Samatar.