Xildhibaan Ka Dalbaday Uhuru Kenyata Inuu Silig Ku Xiro Xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya

0

Nairobi (AGGM) Xildhibaanka ugu da’da yar baarlamaanka KenyaKinoti Gatobu, oo laga soo doorto deegaanka Buuri ayaa madaxweynaha dalkaas.

Xildhibaankan oo warqad u diray madaxweynaha dalkaas ayaa muujiyey sida ay dadka wadankaas quus uga taaganyihiin dawladiisa, ayna u dhibaatoonayaan shacbiga wadankaas.

Xildhibaan Kinoti Gatobu ayaa tusaale u soo qaatay siliga ay yuhuuda iyo Koonfur Afrika ku xireen wadamadaas si ay isaga badbaadiyaan qataraha soo wajihi kara.

“Mudane madaxweyne waxaan si naxariis leh kaaga codsanayaa in silig, iyo kaamirooyinka wax basaasa lagu xiro xuduuda Kenya iyo Soomaaliya”

Xildhibaanka ayaa sheegay in tani ay lacag badan ku bixi karto balse wuxuu sheegay inay wadankaas u noqon doonto xal muddo dheer ah.

Mr Kinoti Gatobu  ayaa sheegay in hubka sharci darada ah uu ka soo galo dhinaca Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay in jiha wareer ay ku abuurtay xaalada amaan ee wadankaas.

Halkaan ka akhri warqadaas oo dhameystiran

http://www.the-star.co.ke/news/article-180729/uhuru-please-fence-somalia-border

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com